Nabada iyo Nabadeynta Waa Aasaaska Nolosha iyo Noolaashaha Bulshooyinka.
Wadankeena waxaa soo daashaday dagaalo sokeeye oo socday sodon sano ku dhowaad, taasna waxay sababtay in ay burburaan dhamaan hay adihii dawlada iyo kaabayaashii dhaqaalaha wadanku lahaan jiray. Wadankeena ayaa imika ku jira xaalada uu ka soo kabsanyo burburkii ku dhacay.
Nabadii iyo wada noolaashihii ayaa qalqalay, waxaana loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato dib u dhiska wadankeena, dib usoo celinta hay adihii dawlada iyo dhisida nabada. Waxay eheyd dhowr bil ka hor markii aan ka qeyb galay tababar loo furay wariyeyaal soomaali ah oo ka kala yimid Hargeysa, Garowe, iyo Muqdishu…waxaa tababarkaasi soo qaban qaabiyey hay adaha kala ah Agency for Peacebuilding AP iyo Horn Afrik News Agency for Human Rights HANAHR wuxuu ka dhacay magaalada Muqdishu.
Waxay ii eheyd fursad oo aan ku fahmay muhiimada warbaahinta u leedahay nabada iyo nabadeynta wadanka iyo baahinta dimuquraadiyada. Waxaan dareemay masuuliyada iga saaran nabada iyo nabadeynta, waana waxyaabaha runtii aan ka faaidey tababarkaas.
Intaasi kadib waxaan ka qeyb qaatay barnaamijyo badan oo la xiriira nabada iyo nabadeynta iyo wacgelinta bulshada oo daba socda tababarkii aan aan qaatay. Sidoo kale waxaan tababar sii siisiyey wariyeyaal kale oo iyagana aan uga faaideeyey wixii leygu soo tababaray ee aheyd nabada iyo nabadeynta iyo dowrka saxaafada ku leedahay arintaasi.
Nimco Cilmi Muuse
Madaxa Isku tagat Haweenka Suxufiyiinta ah ee Buntlaan.