23.05.219 – UNHCR: QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE KU NOOL JORDAN

Hey’ada qaramada midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa maanta bulshada soomaalida ee qaxootiga ku ah wadankan jordan islamarkaana u diiwaan gashan u balan qaaday in howlaha uga socda xaruntooda ay dar dar gelin doonaan,

warkan ayaa soo baxay kadib markii maanta kulan muhiim ahaa ay la yeesheen gudiga cusub iyadoo kulankaasi si qote dheer looga hadlay xaaladaha heysta qaxootiga soomaalida ee jordan

fardowsa xasan awcali oo iyadu ah gudoomiyaha gudiga qaxootiga ee jordan ayaa inoo sheegtay in kulanka maanta uu ahaa mid si aad ah loo soo agaasimay islamarkaana uu ka duwanaa kulamdii hore.

gudoomaiya gudiga ayaa intaasi sii raacisay in arimaha ay kala hadleen ay kow ka ahayd in dadka soomaalida meeshan ay ku dhibaateysan yihiin, ayna si aaad ah u doonayaan in howlahooda xafiiskan kaga xiran loo fududeeyo maadama qaxootiga ay UNHCR ay gacanta ku heyso qeybna ay ka tahay noloshoodana.

‘inagu walaal waxaynu ka hadalnay qaxootiga guud ahaan dhibaatda heysata si gaar ahna waxaynu uga hadalnay dadka ay UN-ta 2jeer ay diiday in aqoonsato kuwaaso daryeel caafimaad iyo nololba aan heysan, tankaloo ka hadalnay walaal waxa weeyaan, dadka lagu dheereeyo balanta wareysiga oo ubaahan kaalmada UNHCR waxayna noo sheegeen in culeys iyaga heysta uu jiro lkn ay usoo gaabinayaan balanta,

sidoo kale gudoomiyha gudiga fardowsa xasan awcali ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale doodooda ay ku jirtay dadka u baahan dib u dejinta dal sedaxaad maadama urdun aysan qaxooti qaabilin, waxayna u balan qaadeen in arintaasi ay ilgaar ah ku eegayaan ayna u fududeyn doonaan dadka arimaaha ay kaga xayiran yihiin xafiiskooda.

fardowsa xasn awcali ayaa sheegtay in feylal badan oo cabasho ah ay qaxootiga ka soo aruuriyeen ay ku wareejiyeen UN-ta iyadoo UNHCR-na ay balan qaaday magacyada feylalkaasi lagu wareejiyey ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula xariiri doonaan,

ugu danbeyntii fardowsa xasan awcali gudoomiyaha gudiga qaxootiga soomaalida ee jordan ayaa sheegtay in gelinkii danbe ee maanta ay UNHCR la soo xiriirtay dad isla maanta ay dhibaatadooda gudbiyeen.
By: HANAHR Reporter
Harun ahmed abdi

Amman- jordan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*